Startsida
SHIS logotyp
search

En del av

Stockholms stad

SHIS logotyp
search

Soomaali

SHIS waa ilaha guriyenta arrimaha bulshada ee magaalada Stockholm. Waxaanu annagu dadka ay sida ku meelgaarka ah ugu suurtogeliweyday dhinaca bulshada ama dhaqaalahaba awgeed inay ku helaan guryo ugu hibaynaa si aanu guryo ugu kirayno dadkaas oo sida caadiga ah iyagu ka heliwaayey suuqa guryaha. Intuu qofku ku jiro guriga waxaanu la shaqaynaa sidii uu qofka guriga kiraystay uu uga gudbilahaa caqabadaha jira si uu u helo guri uu isagu leeyahay. Si qofka looga siiyo guri SHIS waa inay da’diisu tahay 18 jir oo uu ka diiwaangashan yahay magaalada Stockholm. Waana inuu qofku haysto nooc ka mid ah sharciga deggenaanshaha wadanka.


SHIS shakhsiyaadka caadiga ahi saf kama galaan, ee waa adeega arrimaha bulshada ee magaalada kuwaas oo dadka macaamiishooda ah guryo u raadiyo.


Guruyaha waxa la waafajinayaa baahida ay qabaan kirsaystayaashu

SHIS waxay leeyihiin guryo kala duwan kuwaas oo la waafajinayo baahida ay qabaan kiraystayaashu. Waxaanu dadka u soo badhignaa noocyo kala duwan oo taakulaynta guryaha bulshada ah kuwaas oo nooc ka mid ah uu dulqaadka khamriga iyo mukhaadaraadku yahay eber (nolltolerans). Waxaanu sidoo kale haynaa guryo loogu talagalay dadka la jirdil kuwaas oo ay dad qaraabadooda ahi jirdilka u geysteen (marka ay dadkaa ka dhammaato baahidii ilaalada degdega ahayd).

 

Waxa guryo loo helikaraa dhalinyarada ay da’doodu ka bilaabato 18 sannaood, dhalinyara roon-roon ee u dhaxaysa 25 sannadood iyo kuwa 30 jirada ah iyo qoysaska ka weyn 18 sannadood. Waxaanu kaloo xitaa guryo u helikarnaa dadka cusub ee ay Hey’adda laanta socdaalku magaalada Stockholm ku soo meelaysay.

 

Dadka cusub waxa loogu talagalay intay la qabsanayaan bulshada iswiidhishka ah iyo wakhtiga ay iyagu iskood guryo kuga raadsanayaan suuqa guryaha ee caadiga ah kaas oo ka baxsan SHIS.

 

Guryaha SHIS dhammaantood waxa la saxeexayaa heshiis ku meelgaar ah kumana jirto lahaansho. Taas macnaheedu waa dadka kiraysta guryaha waxay guryaha ku jirayaan muddo xadidan oo keliya. Inta uu qofka kiraystaha ahi guriga ku jirayaa waxay ku xiran tahay muddada uu qofku guri kale ku helayo. Annagu shuruudo ayaanu ku xiraynaa si uu qofka kiraystaha ahi si firfircoon guri ugu raadsado iyo inay mas’uuliyadu saaran tahay sidii uu qofku guri ugu raadsan lahaa. Shaqaalaha SHIS ayaa diyaar u ah sidii ay talooyin wanaagsan u siin lahaayeen arrimaha ku saabsan guryaha iyo sida loo raadsado. Taas macnaheedu waa in la taageero sidii ay kiraystayaashu guri ay iyagu leeyihiin uga heli lahaayeen suuqa caadiga ah ee guryaha.

 

Shakhsiyaadka gaarka ah, dhalinyarada, dadka waaweyn iyo qoysaska aanay haynin dhibaato dhaqaale ama mid bulsheed waxay guri ka raadsan karaan Stockholm, Bostadsförmedlingen www.bostad.stockholm.se External link.. Wakhtiga safka iyo dhaqaalaha qofka soo gala ayaa go’aaminaya inta ay qaadanayso muddada uu qofku guri ku helikaro. Sannadkii ayaa la bixinayaa khidmad si uu qofku safka guryaha ugu jirto,